Amad Diallo Oo Si Foolxun U Karbaashay Erik Ten Hag Ka Hor Finalka Europa League.

Amad Diallo ayaa fariin hoose u diray Erik ten Hag, isagoo sheegay inuu hadda muujinayo qiimihiisa maadaama uu helayo fursado ciyaar.

Wuxuu yiri:

“Waxaan u maleynayaa inaan weysanaa waqti aan ku ciyaaro oo aan isku muujiyo. Tan iyo markii aan helay waqtigaas ciyaareed, waxaan tusay qof walba inaan u qalmo inaan u ciyaaro kooxdan.

“Taasi waxay ahayd waxa kaliya ee aanan haysan markii aan halkan imid,” ayuu yiri Amad.

“Hadda waxaan haystaa tababare i aaminsan,  kalsooni igu qaba, markaa aad baan ugu mahadcelinayaa wax walba oo uu ii qabtay. Waxaan isku dayayaa inaan ku abaalmariyo kalsoonidaas mar kasta oo aan garoonka joogo.”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

en_USEnglish
Scroll to Top