
Tababaraha Napoli Antonio Conte ayaa muujiyay rajo weyn oo ku aaddan in kooxdiisu ay ku guuleysan karto horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan.
Conte oo la hadlayay DAZN ayaa yiri:
“Waxaan u dhow nahay Scudetto-ga, balse tallaabadii ugu dambeysay ayaa noo hartay. Waa inaan ku dhammeystirnaa gurigeenna, taageerayaasheenna Hortooda.”
“Waa xilli ciyaareed adag oo caqabado badan lahaa, laakiin marna kamaan cabsan. Wey Wanaagsan tahay in uu dhamaad yahay xilli ciyaareedka, maxaa yeelay ciyaartoy badan ayaanu weynay. Si kastaba, wali waan dagaallamaynaa. Waxaan rajaynayaa in wiilashani ay noqdaan halyeeyo.”
“Aniga ahaan, guusha waxay noqon lahayd abaalmarin dhammaan tamarta aan bixiyay xilli ciyaareedkan. Aad ayaan u daalay, waxaan sugayaa oo keliya in horyaalku dhammaado.”
Napoli ayaa hal guul u jirta in ay xaqiijiso hanashada horyaalkii ugu horreeyay tan iyo markii ay Scudetto qaadeen xilli ciyaareedkii hore.